Wararka ka imaanaya gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Koofur Galbeed ayaa ku waramaya in ciidamo taabacsan madaxweynaha maamulkaasi shariif Xasan ay la wareegeen amaanka degmadaasi.
Ciidamada la wareegay amaanka magaalada ayaa taabacsan madaxweynaha talada maamulkaasi haya, waxaana ay sugi doonaan doorashada la filayo dabayaaqada sanadkan iney ka qabsoonto gobalkaasi.
Afhayeenka maamulka koofur galbeed Nuuradiin Abuukar Gacmo oo la hadlay Idaacada Simba ayaa faah faahin ka bixiyay ciidamada maanta la wareegay amaanka guud ee degmada Baydhabo ee gobalka Baay.
Dhageyso Codka Afhayeenka Koofur Galbeed Nuuradiin Abuukar Gacmo

