Maamulka Gobolka banaadir ayaa war kasoo saaray qaraxii xalay ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan Maqaaxi cusub oo lagu magacaabo Somali Caffee.
Afhayeenka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar ayaa sheegay in qaraxa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu la socday hal ruux,islamarkaana uu qarxay xili uu ak marayay Maqaayadda Horteeda.
Waxa uu sheegay afhayeenka In baaritaano ay wadaan Hay’adaha amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan halka bartilmaameedka uu ahaa.
Dhanka kale Afhayeenka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinteen 4-qof halka ay ku dhaawacmeen 7-kale,dhamaana ay ahaayeen dad shacab ahaa.

