Xarakadda Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qarax gaari loo adeegsaday oo xalay maqribkii ka dhacay magaaladda Muqdisho ee caasimdda Soomaaliya.
War kasoo baxay shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxaas uu fuliyay mid kamid ahaa Ciidamadda Shabaab,islamarkaana la beegsaday shaqaale ka tirsanaa Dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa Maqaayadda Somalia Coffee.
“Qaraxan oo ahaa mid aad u xooggan ayaa ka dhacay goob ay xilliyada habeenkii ku caweeyaan xubno ka tirsan shaqaalaha wasaarado kala duwan ee Dowladda Soomaaliya” ayaa lagu yiri war lagasii daaye warbaahinta Shabaab.
Sidoo kale Shabaab waxa ay sheegeen in qaraxa lagu burburiyay Gaadiid ay wateen Shaqaalaha ka tirsanaa Wasaaradaha Dowladda Soomaaliya.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxii xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ku dhintay 4-ruux halka ay ku dhawacmeen 7-ruux oo dhamaan ku sugnaa Maqaatadda Somalia Coffee ee ku taala Isgoyska Shaqaalaha.

