Xukuumadda Somali-land ayaa beenisay war kasoo yeeray Puntland oo ku aadan in Somali-land ay ka dambeysay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee dhawaan ka dhacay Magaalada Buuhoodle, oo ay ku dhinteen 2-ruux.
Wasiirka wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo gureynta Somaliland Cabdirashiid Xaaji Ducaale ‘Qambi’ oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalka Puntland ee ku aadanaa in ay ayaga ka dambeyeen qaraxii Magaaladda Buuhoodle.
Wasiirku waxa uu hadaladaasina ku tilmaayay qaar siyaasaddeysan oo ujeedoodin gaar ah laga lahaa,waa siduu hadalka u dhigee.
Qarax Ismiidaamin ahaa ayaa 1-dii bishaan ka dhacay Magaalada Buuhoodle,waxaana qaraxaasi lagu dilay mas’uuliyiin ka Tirsanaa Maamulka Khaatumo State.
Dhanka kale Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Puntland Eng C/xakiim Xaaji Cumar(Camey), oo warbaahinta kula hadlay Magaalada garoowe ayaa sheegay in qaraxaasi ay ka dambeeyeen Somali-land,islamarkaana ay haatan wadaan baaritaano la xiriira qaraxa.

