Kenya oo Xafiisyo Diblomaasiyadeed ay Ka Dhisan Doonto Kismayo iyo Hargeysa!

0

Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in xafiisyo diblomaasiyadeed ay ka furan doonto qaar kamid ah dalalka kuyaala qaarada Africa si sare loogu qaado xariirka diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya dalalkaasi.

Monica Juma xoghayaha arimaha dibada Kenya ayaa sheegtay in qorshahaani uu yahay mid cusub islamarkaana ay dhisi doonaan kudhawaad 12 xafiisyo cusub oo sadaxda sano ee soo’aadan ay kadhisi doonaan dalalkaasi.

Dhinaca kale Ms Juma ayaa sheegtay in magaalooyinka Hargeysa iyo Kismaayo ay kamid yihiiin goobaha ay kafuran doonaan xafiisyada cusub ee arimaha diblomaasiyadeed iyadoona sheegtay in dalalka Djibouti, Ghana,South Africa,Mozambique, iyo wadamo kale ay kamid yihiin xafiisyadoodan horleh ay kadhisan doonaan mudada sadaxda sana ah ee soo’aadan ayaa lagu yiri hadalkan kasoo baxay dowlada Kenya.

Ugu dambeyn hadalkan kasoo baxay xoghayaha arimaha dibada Kenya ayaa sidoo kale carabowday in dalalka China,India,Indonesia, ay sidoo kale ka dhisan doonaan xafiisyadaasi sadaxda sano ee soo’aadan iyo sidii ay Kenya ganacsiyo kala duwan la yeelan laheyd guud ahaan dalalkaasi,

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here