Wararka ka imaanaya Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in weerar ismiidaamin ahaa daqiiqado ka hor uu ka dhacay Degmadaas.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu galay Saldhig Ciidamadda Boooliska dowladda ku leeyihiin agagaarka buundada weyn ee degmada afgooye,gaar ahaan xarunta wakaaladdii hore ee biyaha.
Dhawaqa qaraxa ayaa si weyn loogu maqlay Xaafadaha Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose.
Saraakiil ka tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya aynu la hadalnay ayaa inoo sheegay in qaraxa uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac, soo gaaray ciidamadii ku sugnaa saldhiga iyo dad shacab oo ka ak dhawaa halka uu qaraxa ka dhacay.
Waa qaraxii seddexaad ee saldhigaan lagu weeraro tan iyo markii halkaas la dajiyay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Dowladda Soomaaliya.

