Raisulwasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa amar ku bixiyay in la sii daayo Maxaabista ku xiran Xasbiyadda deegaanada Maamulka Puntland,kuwaasi oo ku eedeysan dambiyo la xiriira Falal burcad badeednimo.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in madaxda dowladda Soomaaliya iyo Puntland isku afgarteen sii deynta maxaabiista ku jirta xabsiyada Puntland ee loo heysto arrimaha burcad badeednimada.
“Ra’iisul wasaare ku xigeenka iyo wasiirka cadaaladda ayuu amar ku siiyey in maxaabiistaas la marsiiyo, waddadii loo maray maxaabiistii dalka dibadiisa ku xirnayd ee la soo daayey” ayuu yiri Geelle.
Xabsiyadda deeganadda Maamulka puntland waxaa ku xiran sanado badan maxaabis ku eedeysan Burcad-badeednimo, shabaab iyo dambiyo kale.

