Faah-faahin:-Al-shabaab oo Madaafiic Ku Weeraray Ciidamadda AMISOM+Dhageyso

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa ku waramaya In Xalay Al-shabaab ay madaafiic ku weerareen Saldhig Ciidamadda AMISOM ay ku leeyihiin Degmadaas.

Ciidamadda Midowga Afrika AMISOM ayaa fariisin waxa ay ku leeyihiin Gudaha Degmadda Balcad gaar ahaan meel u dhow Warshadii dharka Balcad.

Sida uu inoo xaqiijiyay mid kamid ah dadka deegaanka madaafiicda oo bartilmaameedka uu ahaa Saldhiga Ciidamadda AMISOM ayaa waxa ay ku dhaceyn guri ay daganaayeen dad shacab ah.

Inta la xaqiijiyey saddex ruux oo isku qoys ayaa ku dhaawacmay madfac ku dhacay gurigooda, waxayna qoyskaan deganaayeen Xaafada Xaawo Taako ee degmada balcad, dadka dhaawacmay ayaa isugu jira odey waayeel ah, iyo caruur.

Ciidamada Xarakadda Al-shabaab ayaa fariisin ciidan ku leh deegaanka Basra,waxayan weeraro ku qaadeen Saldhigyadda Ciidamadda AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here