Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubbaland oo Lagu Xayiray Garoonka Muqdisho

0

Garoonka diyaaradaha Magaaladda Muqdisho waxaa maanta saacado kooban lagu xayiray Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubbaland ahna Xoghayaha Guud ee Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Shaafi Raabi Kaahin.

Mas’uulkaan ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu kasoo qeyb galay shirkii Arrimaha Soomaaliya ee  Magaaladda Brussels,wuxuuna maanta uu kusii jeeday magaaladda Kismaayo.

Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonan karo Raabi ayaa ku safrayay Baasaboorka Diblomaasiga,balse waxaa arintaan shaki weyn ka muujiyay Ciidamadda Amaanka garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Waaxda Socdaalka iyo jinsiyadaha.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in Mas’uuliyiinta Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ay amreen in la xiro,madaama shaki laga muujiyay qaabka uu ku qaatay iyo habkii uu u maray Baasaboorka Diblomaasiga.

Muran socday saacaddo ayaa waxaa arinta soo faragaliyay Mas’uuliyiin ka tirsan Rugta Ganacsiga iyo Wasiirka Duulista Hawada Maxamed C/llaahi Salaad,waxana lagu guuleystay in la xaliyo arinta,islamarkaana la sii daayo Gudoomiyaha madaama la keenay cadeymo muujinaya qaabka uu ku qaatay Baasaboorka Diblomaasiga oo la keentay wasaaradda Ganacsiga.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here