Golaha amaanka ee qaramada midoobay ayaa waxa ay go’an kasoo saarneen sii joogitaanka ciidamada midowga Afrika Amisom ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.
Hadalkan kasoo baxay Qaramada midoobay ayaa lagu sheegay in ciidamada Amisom ee ku sugan soomaliya uu howlgalkooda ku egyahay Bisha May ee sanada 2019ka islamarkaana inta kahoreysa lakeeni karo ciidamo horleh si amniga guud ee dalka ay masuuliyadiisa u qaadan ciidamada dowlada federaalka soomaaliya waqtigaas wixii kadambeeya.
Kulankaan ay wada yeesheen xubno katirsan golaha amaanka ee qaramada midoobay xoghayaha guud ee qaramada midoobay iyo sidoo kale safiirka Sweden ufadhiya qaramada midoobey Olof Skoog kaa oo laga soo saaray go’an ah iyo sidii loo dardar galin lahaa dadaalada ladoonayo sidii looheli lahaa ciidan tayeysan kadib bixitaan Amisom.
Hadalkan kasoo baxay golaha amaanka ee qaramada midoobey ayaa kusoo aadaya xilli maalin nimadii shalay aheyd ciidamo kasocda dalka Uganda loosoo diray soomaaliya kuwaa oo tiro ahaan 1,000 askari.
Inka badan 20,000 oo askari ayaa kusugan dalka kuwaa oo kakala socda dalalka Uganda, Kenya, Ethiopia, Djibouti, iyo wadamo kale kuwaa oo bishii January ee sanadii 2007-dii loosoo diray soomaaliya si ay dowlada kaga taageeraan ladagaalanka Alshabaab.

