DFS oo Sheegtay in Tababar Loosoo Xiray Ciidamadii Badali Lahaa AMISOM+Dhageyso

0

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay iney tababar dhameysteen dufcadii ugu horeysay oo badal u noqon lahaa Ciidamada Amisom.

Raisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu sheegay in ay xukuumadiisa qabatay shaqooyin aad u fara badan iyadoona dib u tayeyn lagu sameeyay dhamaan ciidamadda qalabka sidda iyadoona dib u diiwaan geliyeen ciidamadda qalabka sidda .

Waxaa uu sidoo kale sheegay kheyre in dufcadii ugu horeysay oo cidmadda qalabka sidda ay tababar u soo xireen kuwaasi uu sheegay In ay badali doonaan marka ay dalka ka baxaan ciidamadda AMISOM.

Ugu dambeyntii  Raisulwasaare kheyre ayaa sheegay in xukuumadiisa ay sameysay qorsho cad taasoo ay tahay in ay xubnaha golaha wasiiradda hortoodana lagu ansixiyay qorshaaas ayuu ku sheegay in ay tahay sida amisom dalka ay kala wareegi lahaayeen.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here