Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa sheegay in Magaaladda Muqdisho ay kula shirsan yihiin khubaro ka kala socota Ingiriiska iyo Qaramada Midoobay qeybta qaabilsan arrimaha Miina baarista.
Shirkaan ayaa loogu hadlayaa sidii AMISOM u fulin laheyn Mashruuc lagu kobcinayo Labaatan kamid ah saldhigyadooda Millatari, 6-da bil ee soo socota iyagoo sare u qaadi doono howlgalkooda.
Amisom ayaa sheegtay in qorshahan ay ugu golleedahay xoojinta dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyo sidii looga saari lahaa meelo badan oo ay dalka kaga suganyihiin.
Ciidamadda AMISOM ayaa Soomaaliya ku sugan wax ka badan 10-sano waxayna dagaal kula jiraan Ciidamadda Al-shabaab, oo dhankooda ku xoogan qaar kamid ah goboladda dalka Soomaaliya.

