Cabdi Barre:-“Farmaajo Umadda Soomaaliyeed Been ayuu u Sheegay”,+Dhageyso

0

Xildhibaan Cabdi Barre Jabriil oo kamid ahaa baarlamaankii 9-aad dowladda Soomaaliya ayaa dhaliilshan Safaradda  Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo uu ugu ambabaxo dalka dibadiisa.

Farmaajo ayaa markii uu tartanka doorashadda ku jiray balanqaaday inuusan badin doonin safarada sida madaxdii hore, oo shaqo kasto loo baahdo uu u dirayo Wasiirka arimaha dibada

Xildhibaan  Jabriil oo la hadlay  idaacadda Simba ayaa sheegay in madaxweynaha xiligii ololaha doorashada uu dadka been u sheegay  isagoo tilmaamay in safarada madaxweynaha ay bateen wuxuuna  nasiib daro ku tilmaamay kharashka  ku baxaya  safarka madaxweynaha loo baahnaa in dalka wax loogu qabto maadaama dhaqaalaha wadanka uu liito.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tan iyo markii uu xafiiska fariistay waxa uu u ambabaxay dhowr safar, Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa sheegtay in guulo laga soo hoyay safaradaas.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here