Ra”iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo Gaaray Garoowe +Sawirro

0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre  ayaa goor dhow gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad-goboleedka Puntland

Ra”iisul Wasaaraha iyo wefdigiisa waxaa magaalada Garoowe kusoo dhaweeyey masuuliyiinta dowlad-goboleedka Puntland, gaar ahaana madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, xubno kamid ah golaha wasiirada Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Waxaa lagu wadaa in halkaasi ay kulamo kula qaataan wafdiga ra”iisul wasaaraha madaxda iyo shacabka Puntland, iyadoo maalmaha soo aadan ay kusii sugnaan doonaan deegaanada Puntland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here