Denjire Micheal Keating iyo Taliye Ameeriko oo Gaaray Magaaladda Gaalkacyo+Sawirro

0

Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Somaliya Michael Keating  iyo taliyaha Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed  Sareeye Guuto Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko), ayaa goordhaweyd gaaray Magaalada gaalkacyo.

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug  waxaa masuuliyiintaan ku soo dhaweeyay masuuliyiinta Maamulada Galmudug iyo Puntland ee Magaalada Gaalkacyo.

Wefdigaan ayaa magaalada u gaaray sidii ay qiimeyn ugu sameyn lahaayeen howlaha amni xaqiijinta ah ee magaaladaasi ay ka wadaan ciidanka isku dhafka ah ee loo xilsaaray xasilinta magaalada Gaalkacyo ee ka kala socda Dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Puntland.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Bashiir Cabdi Maxamed iyo Michel Keating ayaa kormeeray Saldhigga Booliska ee Shabeel oo xarun u ah ciidanka isku dhafka ah, iyagoo halkaasi warbixino uga qaatay saraakiisha hogaamineysa Ciidamadda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here