QM oo Xoojineysa Taageerada ay Siineyso Ciidamada Ugandha ee Ku Sugan Somalia

0

Qaramada Midoobay ayaa waxaa ay sheegtay in ay dowlada Uganda ka taageereyso howlgalkeeda dhanka amniga soomaaiya.

Mr Atul Khare oo ah xoghayaha dhanka taageerada qaramada midoobey ayaa sheegay in dhawaan booqasho uu ku tagay dalkaasi islamarkaana uu kulamo la qaatay masuliyiinta wasaarada difaaca dalkaasi oo ay kawada hadleen sidii loo xoojin lahaa taageerada la siiyo ciidamada midowga Africa ee amisom gaar ahaan kuwa ka socda dalka Uganda ee nabad ilaalinta ujooga soomaliya.

Dalka Uganda ayaa kamid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan soomaaliya iyadoona ku dhawaad 20,000 oo askari ee ka kala socda dalalka Ethiopia, Kenya, Uganda, Burundi, iyo Djibouti ay yihiin dalka ugu badan ay ciidamo ka joogaan soomaaliya kuwaa oo lagu qiyaaso in haatan si rasmi ah 6,000 oo askari ay kaga sugan yihiin dalka kuwaa oo dowlada soomaaliya kataageeraya ladagaalanka Dhaqdhaqaaqa Alshabaab.

Golaha Amaanka ee qaramada midoobay ayaa kolhore waxaa ay sheegeen in ciidamada Amisom ee ku suban soomaaliya ay baxi doonaan dalka sanada 2020 ka iyadoona haatan ay soconayaan dadaalada ladoonayo in Amniga guud ee wadanka ay masuuliyadiisa la wareegi lahaayeen ciidamada dowlada Federalka Soomaaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here