Federica Mogherini, wakiilka arimaha dibada midowga yurub iyo sidoo kale wasiirka arimaha dibada Sweden Margot Wallstrom ayaa waxaa ay sheegeen in deeq bixiyayaasha caalamka ay diyaar layihiin sidii dowlada soomaaliya looga taageeri lahaa dadaalada ladoonayo in xasilooni loogu soo dabaalo soomaaliya.
Dhawaan ayey aheyd markii shir caalami ah oo looga hadlayay arimaha soomaaliya lagu qabtay magaalada Brussels ee dalka Bulgiumka kaa oo ay kasoo qeyb galeen wakiilo kakala socda 58 wadan iyo hay’ado caalami ah kuwaa oo balan qaadyo kala duwan u sameeyay masuuliyiinta shirkaasi umatalayay xukuumada oo uu hogaaminayay madaxweynaha jamhuuriyada federalka soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmajo iyo madaxda Maamul goboleedyada.
Dhinaca kale dowlada Sweden ayaa dhankeeda waxaa ay balan qaaday in ay siilaba jibaari doonto hormarada dhanka amniga iyo sidoo kale taageerada bani’aadanimo ee kajira guud ahaan soomaaliya
Wakiilka arimaha dibada midowga yurub Federica Mogherini ayaa carabaabay in mudooyinkii ugu dambeeyay soomaaliya ay hormaro balaaran kasameysay Siyaasada, Dhaqaalaha, iyo dhanka amniga oo si wanagsan loogu amaani karo masuuliyiinta dowlada
Shirkii dhawaan lagu qabtay magaalada Brussels ee dalka Buliguim ka ayaa lasheegay in uu kusoo dhamaaday natiijo la’aan kadib marki madax ugu sareysa dalka iyo hogaamiyashaa maamul goboleedyada ay kuguul dareyteen in ay aragti mideesan oo soomaaliya waxtar unoqon kara ay latagaan taa oo sababtay in baratacool la’aan uu halkaasi kadhasho.

