Wararkii Ugu Danbeeyay Khasaare Ka Dhashay Dagaal Ka Dhacay Sh/Hoose + Dhageyso

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaallo culus oo xalay ka dhacay magaalada Qoryooleey ee gobolka shabeelaha Hoose.

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasada ee magaalada Qoryooleey Maxamed Cabdulahi Cabdi Gaashan Sida uu Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho u sheegay in Al-shabaab ay magaalada dhowr jiho ka soo weerareen, balse ay ciidamada dowlada ee halkaasi fariisinka ku leh jilibka u dhigeen iskana caabiyee taas oo keentay buu yiri  in dagalamayaashii Al shabaab ee soo weeraray magaalada  Qoryooleey lagu hakiyay afaafka hore ee magaalada sida uu hadalka u dhigay gudoomiyaha.

Gudoomiye Gaashaan ayaa sheegay dagaalka inuu socday saacad iyo bar in ku dhaw, Kahaasaraha soo gaaray dhinacooda ayuu ku sheegay in hal askari uu weerarkaasi ka soo gaaray dhaawac fudud dhinaca Al-shabaabna uu sheegay in ay hal askari ka dileen kana carareen meydka askarigaasi.

Wali majirto cid xaqiijisay cadadka khasaaraha labada dhinac soo kala gaaray, balse dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay inuu jiro khasaare kala gaaray ciidamada dowladda iyo Xarakada Al shabaab.

Xarakada Al shabaab wali kama hadlin khasaaraha ka dhashay dagaalka Qoryooleey

Dhageyso Codka: Gudoomiye Ku Xigeenka Dhinaca Amniga Iyo Siyaasada Qoryooleey

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here