Dowlada Farmaajo 18-Kii Bilood Ee Ay Jirtay Hal Tuulo Kama Qabsan Al Shabaab + Dhageyso

0

Wasiirkii hore ee wasaarada Batroolka iyo macdanta xukuumadii Cabdiwali Shekh Axmed Maxamed Cumar Geedi oo lahadlay Barnaamijka Bartilmaameedka Ee Idaacada Simba ee M/M ayaa ku eedeeyay dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo muda 18-kii ee ay jirtay inaysan hal tuulo ka qabsan Dagaalyahanada Xarakada Al shabaab taas oo uu ku tilmaamay mid nasiib daro ah oo aysan xukuumada kaga dayan , xukuumadii kaga horeeyay talada dalka Soomaaliya.

Siyaasigan oo sii hadlay ayaa sheegay in amniga dalka uu haatan sii liicayo sida uu hadalka u dhigay wuxuuna dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay furto wadooyinka Muqdisho ee xilligan xiran.

Wasiir Geedi ayaa yiri  dowladu waa  in ay sahasho isku socodka magaalada oo saamayn ku yeeshay nolosha dadka xilli ay dawladda Soomaaliya horay u sheegtay inay tallabaooyinka amni ee laga qaaday Muqdisho ay muhiim u yihiin sugidda amniga magaalada.

Dhageyso codka: Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Batroolka Iyo Macdanta Geedi

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here