Taliyaha qeybta 27-aad Guutada Shanaad ee ciiidanka xoogga dalka Korneel Faarax Cali Waasuge ayaa ciidamada dowladda uga digay inay isticmaalaan maan dooriyeyaasha sida Qaadka.
Taliye Waa suge ayaa sheegay in ciidamada ay mamnuuc ka tahay qaadka xilliyada ay waajibaadka Qaran gudanayaan ama ay shaqooyinka ku jiraan.
Hadalkan ayuu Taliyaha ka jeediyay magalaada Baladweyn xilli magalada laga howgaliyay ciidamo isku dhaf ah oo ilaaliya nabdgalyada magaaladaasi.
Ciidamada dowlada qaarkood ayaa hab ka baxsan anshaxa ciidannimo waxay waddooyinka ugu cunaan Qaadka, iyagoo howlgalo ku jira, waxaana horey u jiray isku dayo badan oo qaadka looga joojinayo taliyaha ciidanka dowladda ayaa dhawaan sidaasi oo kale sheegay in aan la dooneyn ciidan qaadka cuna.
Magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa lagu soo bandhigay ciidamo isku dhaf ah oo ka kala tirsan Milatari iyo Nabad Sugid, kuwaasi oo sugi doona ammaanka guud ee magaaladaasi maadama nabadgalayada ay tahay hoos la harsado.
Ciidamadan oo tiro ahaan badan ayaa laga doonayaa iney xaqiijiyaan ammaanka B/weyne oo maalmihii dambe ay ka dhacayeen falal waxyeeleeynaya amaanka degmada iyo kan gobalkaasi.
Taliyaha qeybta 27-aad Guutada Shanaad ee ciiidanka xoogga dalka Korneel Faarax Cali Waasuge ayaa ciidankaasi kula dardaarmay in shacabka soo dhaweystaan si loo gaaro amaan buuxa.
Dhageyso Codka: Korneel Faarax Cali Waasuge

