Xarakadda Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda qaraxyo iyo dagaal ka dhacay magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Qaraxyadda iyo dagaalka ayaa ka dhacay halka loo yaqaan Isgoyska Umbulutooriyadda Degmada Xamar Jajab, meel ku dhaw Koontaroolka Ciidanka ay joogaan ee Beerta Nabadda,sidoo kalana ku dhow halka lagalo Madaxtooyadda Soomaaliya.
Shabaab waxay sheegeen in weerarka uu ahaa mid guuleystay islamarkaana lagu dilay Ciidamo ka tirsanaa kuwa dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale Al Shabaab waxay sheegtay in ciidamadeedu howlgal ballaaran ka wadaan inta u dhaxeysa Hotelka SYL illaa iyo madaxtooyada.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Dowladda Soomaaliya oo loogu hadlaayo qaraxyadda iyo dagaalka dhacay.

