Wararkii ugu danbeeyay qaraxyo iyo dagaal toos ah oo ka dhacay magaalada muqdisho.
Abaaro 11:30 duhurnimo waqtiga magaalada muqdisho ayaa waxaa la maqlay laba qarax oo daqiiqado isku jiray, waxaana xigay dagaal dhax maray koox hubeysan iyo ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya.
Dagaalka iyo labada qarax ayaa waxaa ka danbeeyay ciidamo katirsan Al shabaab oo ku labisnaa dares cusub oo ciidamada xasilinta dhawaan dowladda ay ugu tala gashay in dharkii hore lagu badalo.
Qaraxa 1-aad ayaa waxa uu ka dhacay barkoontarool oo ciidanka Dowladda ay ku leeyihiin meel aan sidaa kaga fogeyn Hotel SYL , waxii xiligaasi ka danbeeyay goobta waxaa ka dhacay dagaal mudo socday oo dhax maray ciidanka dowladda Somaaliya iyo kuwa Xoogaga Al shabaab ee weerarka soo qaaday.
Qaraxa 2-aad ayaa ka dhacay koontaroolka Ceel Gaabta afaafka hore ee madaxtooyada Soomaaliya, halkaasi uu ku qarxay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxayay oo halkaasi lagu sii qorsheeyay.
Dagaalka tooska iyo labada qarax ee maanta ka dhacay gudaha magaalada muqdisho ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyootay in ku dhaw 6 ruux oo isugu jiray ciidanka dowladda iyo Xoogagii ka tirsanaa Xarkada Al shabaab ee weerarka fuliyay kadib markii ay dhaceen labada qarax.
Dowladda Soomaaliya iyo laamaha amaanka wali kama hadlin weerarada qaraxyada iyo dagaalka isugu jiray ee maanta lagu qaaday afaafka hore ee Villa Soomaaliya iyo meel ku dhaw hotel SYL ee Muqdisho.
Al shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda Weeraro Ka Dhacay Hareeraha Madaxtooyada Villa Somaliya.



