Ciidamadda Amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay xiray qaar kamid ah wadooyinka Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Ciidamadda ayaa xiray Waddada ka baxda Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee aada dhinaca Madiina, sidoo kale waxay ciidamadda Dowladdda xireen inta u dhaxeysa Isgoysyadda Danawadaagta iyo Xaafadda Korontada.
Dhanka kale Ciidamadda Dowladda ayaa xiray Waddada ka timaada Degmada Afgooye oo markii horeba ka xirneyd Ex-Koontrool,waxaana gaadiidka ka yimaada Gobolka Shabeelaha Hoose ay ku kala wareegaan isgoyska Ex-Koontrool.
Qaar kamid ah dadkii kusoo lugeeyay wadooyinka Xiran ayaa inoo sheegay in gaadiid dhowr ah ay soo raaceen si u tagaan goobahooda shaqadda.

