Wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta ku wajahan magaaladda Brussels ee Xarunta dalka Belgium-ka.
Madaxweynaha waxaa safarkiisa dalka Belgium-ka ku wehlin doona Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Xildhibaano.
Madaxweyne Farmaajo ayaa 16-ka bishaan dalkaas ka qeyb galaya shir looga hadlayo amaanka Soomaaliya oo ay ka qeybgelayaan waddamada daneeya Arrimaha Soomaaliya.
Qodobadda Shirkaan loogu hadli doono waxaa kamid ah tayeynta iyo qalabeynta Ciidamada Soomaaliya,hanaanka ay Ciidanka AMISOM uga baxayaan dalka,sida ay dowladda Federaalka ah ula wareegi karto amniga iyo xoojinta hay’adaha amniga Soomaaliya.
Shirar horudhac u ahaa shirkaan Magaladda Brussels ayaa lagu qabtay Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo oo ay ka qeyb galeen Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadda iyo Madaxda Dowladda Dhexe.

