Deg Deg: Dagaal Xoogan Oo Ka Socdo Magaalada Mooyaale

0

Wararka ka imaanaya degmada Mooyaale ayaa sheegaya in uu halkaasi ka socdo dagaal u dhaxeeya maleeshiyaad dadka deegaanka ah.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu salka ku hayo arimo la xiriira aanooyin qabiil iyo dhul halkaasi ku yaal.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa simba u xaqiijiyay dagaalka inuu yahay mid xoogan oo labada dhinac ay is dhaafsanayaan hubka cul culus, balse aan la garan Karin khasaaraha rasmiga ee ka dhashay.

Labada maleeshiyo beeleed ee ku dagaalamaya degmada Mooyaale dhanka xuduuda Itoopiya ayaa la sheegayaa in marar badan sidaan oo kale ay isugu dagaaleen magaalada arimo la xiriira dhul.

Waxii Kusoo Kordha Dagaalka Oo La Sheegayo Wali Inuu Socdo Labada Maleeshiyo Midba Midka Kale Uu Soo Gaarayo Gurmad Waan Idinla Wadaagi Doonaa www.simbanews.com

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here