Shirkii Wasaaradda Dastuurka Iyo Hay’adaha Siyaasadda Oo Soo Gaba Gaboobay (Sawirro)

0

Shir wadajir ah oo u dhaxeeyay Hay’adaha u xilsaaran Siyaasadda dalka iyo Guddiga Farsamo ee Wadaxaajoodka Arrimaha Federaalka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa ku soo gabagaboobay magaalada Muqdisho.

shirka Intii uu socday ayaa waxaa looga hadlay arrimaha Dastuurka, Federaaleynta dalka, Doorashooyinka, Hanaanka Cadaaladda ee Federaalka iyo Awood Qeybsiga.

Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil Wasiirka Arrimaha Dastuurka xukuumada Soomaaliya oo gebagebada shirka ka hadlay ayaa ka mahadnaqay talooyinka ay soo jeediyeen khubarada.

“Waxaan doonayaa inaan u mahadceliyo aqoonyahanada ka soo qeybgalay shirkan oo runtii soo jeediyeen talooyin wanaagsan oo ku saabsan tayeynta Dastuurka” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Ugu dambayn, waxaa kulanka soo xiray Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Cabdi Maxamed Sabriye isagoo uga mahadceliyay Wasaaraddda Arrimaha Dastuurka doorkeeda qabanqaabineed ee shirka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here