Madaxweyne Farmaajo Oo Gaaray Magaalada Carta Ee Dalka Jabuuti + ”Sawirro”

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga dalka Jabuuti ayaa maanta gaaray Carta oo ah magaaladii marti galisay shirkii dib-u-heshiinta Soomaaliya ee lagu yagleelay Dowladdii kumeel gaarka ahayd sanadkii 2000.

Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo safar dhanka dhulka ah ku tagay Carta ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Jabuuti, waxgaradka magaalada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Carta.

Mudane Farmaajo ayaa uga mahadceliyay shacabka Carta martigalintii ay u sameeyeen ergadii Soomaaliyeed ee ka qeyb qaadatay dhismaha dowladnimada Soomaaliya, wuxuuna sheegay in dadka Soomaaliyeed ay abaal weyn uga hayaan garab istaaga dowladda iyo shacabka Jabuuti.

“Magaaladan waxay quluubta shacabka Soomaaliyeed uga taallaa meel wayn. Waa magaalo soo celisay rajadii shacabka Soomaaliyeed. Waa magaalo astaan u noqotay Soomaalinimo iyo deeqsinimo.”

“Waxaan guud ahaan reer Jabuuti iyo gaar ahaan reer Carta uga mahadcelinaynaa sidii niyadsamida lahayd ee ay shacabka Soomaaliyeed u garab istaageen xilli adduunyada oo idil ay kasii jeesatay.”

Soo dhaweynta Madaxweynaha ee Carta waxaa ka qeyb qaatay Wasiiro ka tirsan Dowladda Jabuuti oo kala ah Wasiirka Difaaca Mudane Cali Xasan Bahdoon, Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Xasan Cumar, Wasiirka Waxbarashada iyo Cilmi Baarista Mudane Mustafe Maxamed, Wasiirka Gaadiidka iyo Qalabeynta Mudane Maxamed Cabdulqaadir, Wasiirka Dhaqanka iyo Diinta Mudane Muumin Xasan Barre iyo Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Mudane Aadam Xasan Aadam (Beleloo).

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here