Marun Baa In Taliye Xuseen Cumar Muumin Uu Fududeeyay Maxaabiis Xoog Loogala Baxay Saldhiga Booliska Cadaado (Akhriso)

0

Faah faahino ayaa kasoo baxaya weerar khasaara dhaliyay oo kooxo hubeysan ay ku qaadeen saldhiga booliska magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud.

Weerarka ayaa dhacay xalay saqdii dhaxe xili dadka degmada cadaado intooda badan ay jiifeen, kuwaa oo ku toosay jabaqda rasaas ay is dhaafsanayeen koox weerartay xarunta booliska degmada Cadaado iyo ciidamadii ku sugnaa saldhiga Booliska ee weerarka kala kulmay kooxahaasi aan heybtooda la garan.

Kooxda weerartay Saldhiga ayaa la sheegay iney kala baxeen maxaabiis aan tiradooda la cayimin, balse maxaabiista lagala baxay saldhiga ayaa la sheegay iney kamid ahayeen eedeysanayaal la tuhun san yahay iney geysteen kufsi burcadnimo iyo falal kale oo lidi ku ah amaanka maamulka Galmudug.

Ilo xog ogaal ah oo lagu kalsoon yahay ayaa Idaacada Simba u xaqiijiyay la bixista maxabiista iyo weerar ka lagu qaaday saldhiga, inuu lacago ku qaatay oo uu fududeeyay taliyaha saldhiga Booliska magaalada Cadaado Xuseen Cumar Muumin oo la tuhun san yahay inuu xiriir la lahaa kooxaha weerarka qaaday.

Idaacada Simba oo xiriiro la sameysay duqa degmada Cadaado iyo isla taliyaha lagu eedeeyay inuu wax ka ogaa weerarka maxaabiista lagula baxay ee lagu qaaday saldhiga booliska magaalada Cadaado, ayaa suura galin iney ka jawaabaan taleefanadii aynu kala xiriirnay si wax looga weydiyo waxa ka dhacay.

Taliye ku xigeenka saldhiga booliska Cadaado Cumar Macalin oo la hadlay Idaacada Simba ayaa xaqiijiyay weerarka lagu qaaday saldhiga booliska magaalada cadaado, waxuu sido kale sheegay in baaritan lagu hayo cida ka danbeysay weerarka, iyo iney jiraan saraakiil  fududeysay weerarkaa lagu qaaday Saldhiga.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerarka lagu qaaday saldhiga booliska magaalada Cadaado , wararka qaar ayaa sheegay inuu fududeeyay Taliyaha saldhiga booliska cadaado Xuseen Cumar Muumin, xiriiro Simba ay la sameysay taliyaha si wax looga weydiyo inuu wax ka ogaa weerarka jawaab kama bixin taleefanadii aynu kala xiriirnay Taliyaha saldhiga booliska cadaado Xuseen Cumar Muumin.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here