Duqa Caasimadda Muqdisho Cabdi Raxmaan Cumar Cusman (Eng Yariisow) ayaa Saakay oo Khamiis ah Xafiiskiisa ku qaabbilay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Oglan Baker.
Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya ayaa maamulka Banaadir uga mahad celiyay kulankaasi, Eng Yariisow xafladdii uu u qabtay Shaqaalaha Turkiga ee ka howl gala magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho, Cabdi Raxmaan Cumar Cusman (Enj Yariisow) ayaa safiirka Turkiga ugu mahad celiyay Doorashadii uu ku guuleystay Madaxweynaha Dalka Turkiga iyo Taageeradii ay la garab taagnaayeen shacabka Soomaaliyeed
Ugu danbeen Duqa Muqdisho ayaa kala hadlay Safiirka Turkiga in lasoo Celiyo Barnaamijyada Caafimaadka Waxbarashada iyo adeegyadii ay u qaban jireen walaalahood Soomaaliyeed.



