Sida uu daabacay Wargeyska the Standard ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa sheegay in ku dhawaad 6 saraakiil ay kudhaawacmeen miino dhulka lagu aasay oo haleeshay gaari ay saarnaayeen kolonyo katirsan ciidamada Boliiska Kenya oo marayay deegaanka Masalani oo hoos yimaada magaalada Gaarisa oo waqooyi kabi dalka Kenya.
Werarkaan ayaa la sheegay in uu dhacay xalay fiidkii islamarkaana lala eegtay maamulka Police ka deegaanka Ijara kuwaa oo marayay deegaankaasi iyadoona sida lasheegay ay kadambeeyeen xarakada alshabab.
Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa uxaqiijiyay wargeyska in miinadaasi ay sigooni ah u haleeshay gaari nuuciisa yahay laan karuusal oo ay saarnaayeen saraakiisha kenyanka ah.dambiibo
Ilaa iyo haatan majirto cid loosoo qabtay dhacdadaan lagu waxyeeleeyay saraakiisaasi balse saraakiisha ciidamada Kenya ayaa ku eedeeyay weerarkaasi in ay ka dambeeyeen Xarakada Al-shabaab.

