Al Shabaab Doomo Qaraxyo Iyo Hub Watay Oo La Weeraray+Dhageyso

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo ciidamada daraawiishta Jubbaland oo kaashanaya ciidamada dowladda ee gobalkaasi iyo Xoogaga Al shabaab ku dhax maray duleedka deegaanka Baar Sanguuni ee Gobolka Jubadda Hoose.

Taliska ciidamada dowladda ee gobaladda Jubbooyinka ayaa sheegay in ciidamada xooga iyo kuwa Jubbaland oo isku dhinac ah ay weerar ku qaadeen doonyo ay isticmaalayeen ciidan katirsan Al shabaab oo ku wajahnaa deegaanka Baar Sanguuni oo gacanta wali ay ku hayaan ciidamo Ajaanib iyo Somaali ah.

Taliye ku Xigeenka Hogaanka ciidamada daraawiishta Jubbaland Iimaan Axmed Bashiir oo la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland oo xog ku helay in deegaanka Baar Sanguuni ay ku soo wajahan yihiin Xoogag katirsan Al shabaab, waxii xiligaa ka danbeeyay weerar lagu qaaday dagaalyahanadaasi oo isticmaalayay doomo ay ku wateen haamo qaraxyada sameeya iyo hub ay u wadeen xoogag kale oo katirsan Alshabaab oo ku sugan duleedka  magaalada Kismaayo.

Gudoomiye Iimaan Axmed Bashiir oo sii hadlayay ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhacay meel qiyaastii 5KM u jirta deegaanka Baar Sanguuni, halkaasina lagu dilay 19 katirsanaa Alshabaab ciidamada ayuu taliyaha sheegay in gacanta ay ku dhigeen hal dagaalame oo kamid ahaa Al shabaab kii weerarka ku ahaa deegaanka, sido kale khasaaraha ciidamada dowladda gaaray ayuu faah faahin ka bixiyay Taliyaha.

Deegaanka Baar Sanguuni oo qiyaastii 45 KM ujira magaalada Kismaay ee Xarunta maamulka Jubbaland ayaa waxaa kusoo noq noqday dagaalo u dhaxeeya ciidamada dowladda oo garab ka helaya ciidamada Mareykanka ee ka howlgala gudaha Soomaliya, taliska ciidamada dowladda ee Gobalkaasi ayaa sido kale sheegay in Al shabaab wali ay ka sabar la yihiin deegaanka oo is tiraaji u ah saldhigyada dhanka Militari.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here