Ogow Cida Ka Danbeysay Hoobiyaal Lagu Weeraray Muqdisho

0

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegtay in ciidamadeedu ay 7 madfac ku weerareen saldhigga Xalane oo xilligaas ay ku shirsanaayeen saraakiisha ciidanka AMISOM.

“In ka badan ilaa 7 Madfac oo ayaa lagu garaacay saldhigga ciidamada Afrikaanta ee Xalane iyadoona Mafaaciicdaasi badankood ay gudaha u galeyn Xaruntaasi la beegsday” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay maanta  dhaq dhaqaaqa Al Shabaab ee Soomaaliya.

Tiro Hoobiyayaal ahaa ayaa maanta waxa ay ku dhaceen Xaafado ka Tirsan Degmadda Wadajir ee Gobolka Banaadir,hoobiyaashaasi ayaa sababay ilaa hada inta la ogyahay dhaawacyada 5 ruux.

Hoobiyayaasha oo gaarayay ilaa 5-madfac ayaa ku dhacay xaafadda Danwadaagta iyo xaafadaha ku dhow Garoonka diyaaradaha magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Jugta Hobiyayaasha ayaa inta badan laga maqlay degmooyin ka Tirsan Gobolka Banaadir, inkastoo wali aysan ka hadlin masuuliyiinta maamulka gobalka Banaadir iyo taliska laamaha Amniga Muqdisho.

Weerarkan madaafiicda ah ee lagu soo qaaday gobalka Banaadir ayaa imaanaya xilli ammaanka magaalada Muqdisho si aad ah loo adkeeyay islamarkaana waddooyinka muhiimka ah ay xiran yihiin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here