Qalbi-dhagax:-“Qabashadeydii Waxaa Ka Dambeeyay Shaqsiyaad Yar”,+Dhageyso

0

Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) oo todobaadkii aynu soo dhaafnay Dowladda Ethopia ay xabsiga kasii daysay ayaa ka hadlay qabashadiisa iyo cidii ka dambeysay.

Qalbi dhagax ayaa sheegay in qabashadiisii ay ka dambeeyeen shaqsiyaad yar, wuxuuna u mahad celiyay dadka Soomaaliyeed oo si weyn uga dhiidhiyey sidii loola dhaqmay.

“Waxaan u mahadcelinayaa shacabka Soomaaliyeed, oo runtii aniga Cabdikarim Sheekh Qalbi-dhagax ah oo qabashadeydii Xamar koox yari ay geysatay aad uga dhiidhiyay, runtii is garab taagay, damiirkii walalaalnimo i hubsiiyay, Soomaali oo dhan mideeyay, runtii waxa ay aheyd taariikh lama ilaabaan ah, oo ku tuseysa inuu dadka Soomaaliyeed yahay dad walaalo ah, isku jir ah, isku dad ah, isku dan ah, qaraabo ah, wada dhashay, Soomaaliga jooga Lowya cadde iyo Baab-Mandab iyo midka jooga NFD iyo midka jooga Aashica, iyo midka jooga halka Diridhabe iyo Adis,dhamaan qof kasta oo Soomaali ahi waxaa uu ka mideysan yahay damiirka, wixii kala qeyb qeybinayaa waa cadaw Soomaaliyeed…” ayuu yiri C/kariin Qalb-dhagax.

Dowladda Federaalka  Soomaaliya oo sanadkii 2017-kii u gacan galisay Qalbidhagax dowladda Ethopia ayaa mar kale sheegtay in codsi ka yimid dhankeeda ay Ethopia kusoo daysay Sarkaal Cabdikarim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax).

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here