Akhriso:-Soomaali Lala Xiriirinaayo Afgambigii Dhicisoobay ee Turky-ga oo La Xiray

0

Sida ay sheegtay Wakaalada Wararka ee Anadolu ee laga leeyahay dalka Turkiga Ciidamadda amaanka dalkaas ayaa xabsiga dhigay dhalinyaro wax kabaraneysay Jaamacadd kutaala dalkaasi oo lala xariirinayo in ay ku lug lahaayeen afgambigi dhici soobay ee sanadkii hore kadhacay dalkaasi.

Dhanka kale ardaydan xabsiga ladhigay ayaa lasheegay in toban kamid ah ay ahaayeen soomaali halka sadaxkale ay ka yimaaden dalka Djibouti iyo labo kayimid dalka Guinea iyadoona dhinaca kale la sheegay in midka kale uu kasoo jeedo dalka Suuriya halkaa oo ay sheegeen ciidamada Police ka dalkaasi ay gacanta kuhayaan dhamaan 16 kaasi dhalinyaro oo lasheegay in ay katirsanaayeen Urur argagaxiso oo marka magaciisa lasoo gaabiyo looyaqaan (FETO) islamarkaana uu madax uyahay fatxullahi guleen oo ahaa xuduntii ugu weydeyd ee kadambeysay afgambigii ladoonayay in xilka looga tuuro madaxweyne Tacep Dhayib Erdugan.

Ciidamada Police-ka Turkiga ayaa shegay in ay kudaba jiraan todobo qofood oo kale oo qeyb ka ahaa ururkaasi islamarkaana ay dhawaan gacanta kusoo dhigi doonaan.

Dhamaan dhalinyaradani xabsiga ay dhigeen ciidamada dalkaasi ayaa la sheegay in ay ahaayeen arday wax kabaranaysay jaamacada Mersin ee kutaala Gobolka Mersin ee dalka Turkiga isla markaana ay  gacanta kuhayaan ciidamada dambi barista dalkaasi oo su’aalo ka weydiinaya arimahan looga shakisan yahay ardadaasi.

Dalalka Turkiga iyo soomaaliya ayaa sanadihii ugu dambeeyay xariirka kadhaxeeya uu ahaa mid wanaagsan iyadoona arday fara badan oo soomaali ah ay arrimo waxbarasho ujoogaan dalkaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here