Ciidanka Dowladda oo Dilay Sarkaal Tanzania u Dhashay oo Shabaab ahaa

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ay howlgal qorshaysnaa ay ka fuliyeen buundada Araare ee Gobolkaas.

Halka ay howlgalka ka sameeyeen Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la sheegay in ay ku sugnaayeen Xarakadda Al-shabaab.

Intuu howlgalka Socday Ciidamadda ayaa dilay Sarkaal ka tirsanaa Xarakadda Al-shabaab.

Sarkaal la dilay ayaa heystay dhalashada wadanka Tanzania isagoona kamid ahaa Saraakiisha ugu sareeya Al-shabaab u qaabilsan dhanka jubboyinka.

Taliyaha ururka 58Aad ee guutada  11Aad ee ciidanka xoogga dalka G/dhaxe Cabdi ibraahim Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay  in Howlgalka lagu dilay Sarkaalka uu ka dhacay buundada Araare ee Gobolka Jubbada hoose.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here