Axmed Madoobe oo Madaxda AMISOM Kala Hadlay Dagaalka Al-shabaab+Sawirro

0

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Madoobe), ayaa  kulan la qaatay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira iyo Madaxa Xafiiska UNSOS ee Soomaaliya Lisa Filipetto.

Kulanka oo ka dhacay Madaxtooyada Jubaland ee Magaaladda Kismaayo, ayaa Warbixino looga dhageystay Saraakiisha Howlgalka Amisom ee Soomaaliya.

Madaxda AMISOM ayaa madaxweynaha Jubba-land Axmed Madoobe waxay u bandhigeen qorshaha AMISOM ee Howlgalka ay dhawaan qaadi doonto Jubbaland iyo doorka ay ka qaadan doonan.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira, ayaa balan qaaday inuu kaalin muuqata ka qaadan doonan Howlgalka ka dhanka ah Shabaab ee looga saarayo deegaanada Jubaand, gaar ahaan Gobolka Jubada Dhexe oo dhamaantii ay maamulaan.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa muujiyay in Maamulkiisa diyaar uyahay soo afjarida dagaalka ka dhanka ah Shabaab, isagoo madasha ku soo bandhigay Dhaliilaha ay ujeedinayaan Amisom oo la xiriirta ineysan dhab ka eheyn ka saarida dalka Al-Shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here