Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/Wali Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta hortagaya Golaha Wakiiladda Maamul Goboleedka Puntland.
C/wali Gaas ayaa lagu wadaa in Baarlamaanka Maamulka Puntland uu ka hor jeediyo Khudbad ku saabsan xaaladda amniga iyo siyaasadda ee Puntland, iyo dagaalka deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.
Dhanka kale kulan ay yeesheen Guddiga difaaca Puntland shalay ayaa waxaa kasoo baxay go’aan ah in ay Puntland Gobolka Sool kala wareegto Somaliland.

