Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Hir-shabeelle ayaa xilalkii looga qaaday mas’uuliyiin ka Tirsan maamulka Gobolka Hiiraan, iyadoo xubno kale la magacaabay.
Xasan ibraahim Cabdule ayaa loo magacaabay gudoomiye ku-xigeenka arrimaha siyaasada Gobalka Hiiraan, waxaana xilka laga qaaday gudoomiyihii hore.
Cali Cabdulqadir Faarax ayaa loo magacaabay Duqa magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Dhanka kale Cabdiraxmaan maxamed Xuseen Gudoomiya Ku-xigeenka arrmiha bulshada dagmada Magaaadda baladweyne.


