Ra’isal Wasaare Kheyre Oo Ka Hadlay Sida Looga Bixi Karo Taariikhda Madoow Ee Soomaaliya + Dhageyso

0
Ra,isal Wasaaraha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre

Ra,isalwasaaraha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa galbeedka Magaalada Oslo ee Dalka Norwey kula kulmay ilaa 800 oo qof oo isugu jira bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duban ee kunool Wadanka  Norwey waxaan  kulankaasi  uu Ra,isalwasaaruhu laqaatay Jaaliyada iyo ardayda Soomaaliyeed Norwey kunool soo qabanqaabiyay ururka Ardayda Soomaaliyeed  ee Norwey oo uu Kheyre kamid ahaa aas aasayaashii ururkaasi.

Ra,isalwasaaraha Soomaaliya ayaa mudo afar saacadood ah la joogay Soomaalidii uu la kulamay wuxuuna halkaasi ka jeediyay khudbad intee badan uu kaga hadlay arimaha dalka oo ay ugu horeyso amniga iyo siyaasada

“Waxaa rabaa in aan ogaano in mar walba laga hadlo dalkeena in loo yaqaano dalkii qaraxyada,dalkii burcad badeeda,dalkii dhibaatooyinka,waxaa isweeydiin mudan taariikh nooce ah ayuu leeyahay dalkeena,m Al shabaab iyo burcad badeed ayay taariikdeenu tahay,laakin anagu waxan nahay dad doonaya in ay ka gudbaan waxa lagu sheegay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xaan Cali kheyre.

Ra,islwasaare Xasan Kheyre ayaa sheegay in uu aamninsanyahay in laga gudbi karo taariikhda madoow ee dalka lagu sheegayo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here