ku dhowaad ilaa kun iyo shan boqol oo qoys kana mid ah Beeraleyda Waraabka ee ku dhaqan degmada Baardheere iyo qaar ka mid ah deegaanada hoos yimaada ayaan weli ka soo ka banin Khasaarahii ka soo gaarey Fatahaadii uu sameeyey wabiga Jubba bishii afaraad ee la soo dhaafey,halkaasi oo ay ku waayeen dalagyo kale gedisan oo beeraleyda ay ku tacbeen kumanaan hektar.
Waxaa jira qaar ka mid ah Beeraleyda Waraabka oo dadaal uga jira sidii ay mar labaad u tabci lahaayeen Beeraha,halka kuwa kalena ayan awood u lahayn in ay beeraha tabcadaan.
Xasan Cali Maxamed waxaa uu ka mid yahay Beeraleyda waraabka ee khasaaraha xoogan kala kulmey fatahaada webiga ,waa Aabe 47 sanno jir Qoyskiisana uu ka kooban yahay ilaa 12 ruux,waxuuna maalmo ka hor uu iska iibiyey kala bar beertiisa oo Cabirkeedu uu ahaa 8 hejtar ,kuna taalay Tuulada Tarbey oo 26 KM Baardheere kaga toosan dhanka Koonfureed.
Xasan ayaa sheegay ka dib markii uu ku khasaarey Beertiisa noloshana ay ku adkaatey,islamarkaana lagu yeeshay Deemo aad u tiro badan,baahina uu u qabo inuu mar kale uu beeraha tacbado ayuu sheegay inuu goostey kala bar inuu beertiisa uu iibiyo si uu qaar ka mid ah uu isaga bixiyo deymaha laga rabo.

