Madaxweyne Farmaajo Oo U Duulay Magaalada Addis-Ababa Ee Itoopiya

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta u anba baxay dalka Itoopiya, isagoo halkaas kaga qeybgalaya shirka madaxda waddamada IGAD ay isugu imaanayaan.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadli doonaa xaaladda Koonfurta Suudaan oo ay kasoo korortay xaalad amni xumo, kadib markii ay markale is fahan la’aan soo dhex gashay Madaxda Dalkaas.

Madaxda urur goboleedka IGAD ayaa dadaal badan ku bixinaya sidii xal looga gaari lahaa xaaladda wadanka Koofurta Suudaan, iyadoo sidoo kale magaalada Addis Ababa ay horay u sii gaareen madax ka socota koofurta Suudaan si shirkaasi ay kaga qeyb galaan.

Dhanka kale madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillahi Farmaajo ayaa kulan gaar ah la yeelan doono madaxda ugu sareysa dowladda Itooiya si ay kaga wada hadlaan heshiis dhawaan dowladda Soomaaliya ay la gashay Raisal wasaaraha dalkaasi, kaa oo dhigayay in Itoopiya ay la wareegeyso qaar kamid ah dekadaha Soomaaliya oo iyada ay maal galin doonto.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here