Kooxo Ku Labisan Dareeska Ciidanka Dowladda Oo 19 Gabdhood Ku Kufsaday Inta U Dhaxeysa Baydhabo Iyo Magaalada Muqdisho + (Dhageyso)

0

Todobaadyaddii u dambeeyay waxaa qeyla dhaan ay ka soo yeereysay dadka rakaabka ah ee ku safra wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

Dadkaa ayaa ka cabanayay dhac, kufsi, iyo dil ay mararka qaar rakaabka kula dhaqaaqaan kooxo hubeysan ku labisan dareeska ciidamada xooga oo ku shaabdeysan calanka Soomaaliya.

Xildhibaano ka tirsan baarlamanka federaalka Soomaliya ayaa horey dhowr jeer uga hadlay amni darida ka taagan wadada dheer ee isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Baydhabo.

Gudoomiye ku Xigeenka Guddiga Xuquuqul Insaanka Koonfur Galbeed, Qaasim Moogow oo la hadlay Idaacada Simba ayaa faah faahin ka bixiyay raga wata dareeska ciidamada ee kufsiga iyo dhaca ka geysta wadada dheer ee isku xirta degmada Baydhabo iyo magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Maanta ayaa waxaa hadana shir jaraa’id oo ay ku qabteen Baydhabo arrintan kaga hadlay Guddigga Xuquuqul Insaanka ee baarlamanka Koofur Galbeed, iyagoo sheegay inay diwangeliyeen 19 gabdhood oo rakaab ah oo kufsi loo geystay inta u dhaxeysa magaalooyinkaasi.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here