Dhalinyaro Soomaaliyeed Oo Gabar 16 Jir Biritish Ah Kufsaday

0

Muwaadiniin Soomaali ah ayaa lagu xukumay xabsi gaaraya 30 sano kadib markii lagu eedeeyay in ay ku kuf sadeen gabar cadaan ah oo 16 sano jir ah taa oo ku sugneyd qol ay ka daganeyd Hoteel ku yaala magaalada Manchester ee cariga Ingriiska sidaasi waxaa daabacay wargeyska daily Mail.

Dhalinyaradan Soomaaliyeed ee xukunkan lagu riday ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Muhyadeen Osman, Bilal Ahmed, iyo Mowliid Yuusuf,  kuwaa oo dhamaantood da’doodu ay tahay 20 sano jir ayaa maxkamada magaalada Manchester ay kuxukuntay xabsi gaaraya mudo 30 sana ah.

Maxkamada xukunka ku riday muwaadiniintaasi Soomaaliyeed ayaa waxaa ay sheegtay in wiilashaasi ay kamid ahaayeen kooxaha burcada ee daroogada iyo dhaca ugeysta dadka kunool ingriiska, Iyadoona ay sheegtay in dambigaasi ay galeen sanadii 2013 ilaa iyo haatana baaritaano ay ku socdeen dhalinyarada.

Henry Blackshaw oo kamid ah xeer ilaaliyaasha maxkamada ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in kiiskan uu soo socday mudo sanada ah isla markaana ay galeen wiilashaasi.

Waqtiga uu dhacayay falkan ayaa maxkamadu waxaa ay sheegtay in loo dabaal dagayay maalin ciid isla markaana ay ku sug naayeen dhalinyaradaasi Hoteel ku yaala Victoria ee magaalada Manchester ee dalka Ingariiska , Iyadoona dhanka kale maxakamadu  ay sheegtay in dhalin yaradaasi mid kamid ah  u qadka talefanka kala hadli jiray gabadha kufsiga ay kula dhaqaaqeen.

Xabsiyada ku yaala dalkaasi Britain ayaa ku xiran dhalin yaro soomaali ah oo lagu qabtay falal lidi ku ah dalkaasi sida ka ganacsiga daroogada iyo waxyaabaha laxariira.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here