Maamulka Soomali-land ayaa ka hadlay Heshiiskii Sabtidii dhex-maray Dowladaha Soomaaliya iyo Ethopia,gaar ahaan kuwa la xiriira Dekadaha.
Somaliland waxa ay sheegtay in dekedda Magaaladda Berbera ee Gobolka Saaxil aanay kamid ahayn meelaha lagu heshiiyay,islamarkaana aysan maamulin Dowladda Soomaaliya.
Wasiirka Warfaafinta Somali-land Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guribarwaaqo) ayaa sheegay in heshiiska Soomaaliya iyo Ethopia uu yahay mid iyaga u gaar ah.
Dhanka kale waxa uu sheegay wasiirka in uusan rajayn in wax iska badalaan heshiiskii Somaliland ,Itoobiya iyo Imaaraadku wada galeen uusana filayn in Imaaraadku heshiis cusub Berbera kula galayn Soomaaliya iyo Itoobiya .

