Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in isbedel dhanka shaqada ah lagu sameyn doono Xafiiska Laga Maamulo Hawada oo loosoo wareejiyay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa si rasmi ah u daah furay maamulka dhammeystiran ee Hawada dalka wuxuuna sheegay in soo wareejinta Maamulka Hawada ay daba socdaan Mashruucyo kale oo laguna tababarayo Shaqaalaha Soomaaliyeed, laguna qaadanayo shaqaale cusub, wuxuuna kalsooni ka muujiyay in Shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku filan yihiin hawshan.
“Soo wareejinta hawada waxaa daba socda Mashruucyo kale oo shaqaalaha lagu tababarayo, lagu abuurayo shaqaaleyn cusub lagala wareegayo Ajnabiga ka shaqeynaya oo lagu bedelaayo shaqaale Soomaaliyeed, waxay noo mareysaa meel wanaagsan, hada waxaan kusii shaqeyneynaa sharciyadii iyo hababkii hore iyadoo Shaqaalihii hore ay ka shaqeynayaan laakiin shaqaale cusub oo Soomaali ah ayaa qabsanaya meelaha ugu sareeyay Maamulka SCAMA’’
Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in hada wixii ka dambeeya Diyaaradaha maraya hawada Soomaaliya ay amar ka qaadanayaan Dowlada Soomaaliya halka markii hore dowlada ay bixin jirtay talo maadaama aysan heysan qalab sax ah oo ku filan.

