Maxamed Cabdi Colaad oo ah Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo dib u heshiisiinta maamulka Galmudug oo wareysi gaar ah siinayay idaacadda simba ee magaladda muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay khilaafka u dhaxeeya madaxda ugu sareysa maamulkaasi.
Wasiirka ayaa tilmaamay in ay masuuliyiinta maamulkaa ay jabiyeen dastuurkii u degsanaa maamulka gal mudug, waxa uu sidoo kale uu sheegay wasiirka, in madaxda maamulka gal mudug ugu sareyso in ay diideen in ay u hogaansamaan dastuurka galmudug taasina ayuu sheegay in ay tahay mid aaan loo baahneen.
Ugu danbeyntii waxa uu baaq u direy madaxweynaha gudoomiyaha barlamaanka maamulkaasi iyo ku xigeenkiisa In wax walba ay wada hadal ku dhameeyaan si ay hormar u gaaraan shacabka ku dhaqan deegaanadda galmudug.

