Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay hadal uu sheegay Raisulwasaaraha Ethopia Abiy Ahmed oo ku aadan in labada dowladood ay ku heshiiyeen in hal dowlad noqdaan.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in hadalka Raisulwasaaraha dalka ethopia si khaldan loo dhigay,islamarkaana labadda dowladood ay ku heshiiyeen hormarka labadda dal.
“Waxaa wada hadlay laba dal oo kala madax banaan, heshiiska la gaaray waxa uu ahaa mid mudo dheer soo socday, waxaa laga wada hadlay xiriirka qotada dheer ee labada dal iyo xoojinta xiriirka dhaqaale’’ ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Geelle.
Raisulwasaaraha Ethopia oo shir jaraaid ku qabtay magaaladda Addis Ababa kadib booqashadiisa Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in heshiiskii Soomaaliya Ethopia uu ku jira qodob dhigaya in labadda dal midoobaan islamarkaana ay hal dal noqdaan Mustaqbalka dhow.

