Shacabka Jubba-land oo Loogu Baaqay in ay Ka Qeyb Qaataan Dagaalka Al-shabaab

0

Wasiiru dawlaha Wasaaradda Amniga Maamulka Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil ayaa ugu baaqay shacabka Gobalka Gedo in ay ka shaqeeyaan amniga isagoo sidoo Kale Weerar dhanka afka  ah ku qaaday Xarakadda Al-shabaab.

Wasiirka ayaa dhamaan shacabka ku dhaqan Deeganada Maamulka Jubbaland gaar ahaana Gobolka Gedo waxa uu ka dalbaday In ay si dhaw ula shaqeeyaan Ciidamada Daraawiishta Maamulka Jubbaland si buu yiri looga guuleysto dagaalka Lagula Jiro Al-shabaab.

Waxa uu Tusaale usoo qaatay sida ay Al-Shabaab shacabka u leynayaan shacabka qeybihii kala duwan ee ku nool deeganadda Gobolka Gedo.

Dhanka Kale Maxamed Cabdi kaliil Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Amniga Maamulka Jubbaland Ayaa Waxa uu weerar dhanka afka Ah ku qaaday Al-shabaab Isaga oo sheegay In hadda Awoodoodii ay kusoo aruurtay In dhumaalleysi Ku dilaan Wax-garadka Iyo dadka maatada Ah.

Ugu dambeyntii ayuu Sheegay in Ciidamada darwaashiista  Maamulka Jubbaland Oo Kaashanaya Kuwa Xoogga dalka Ay diyaar U Yihiin In guud ahaan Deeganada Jubbaland ay ka saaran  Ciidamadda Xarakadda Al-shabaab.

Si kastaba Maalmo Ka Hor Ayey Ka Dib Markii Taliska Ciidanka Jubbaland Uu Ku Dhawaaqay In Ay Qaadi Doonaan Hawl-gallo Ballaaran Oo Ka Dhan Ah Al-shabaab Iyadoona Hawl-galladaas Ay Wax Ka Fulinayaan Ciidamada Xoogga Dalka Ee Ku Sugan Deeganada Maamulka Jubbaland.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here