Wafdi uu hogaaminaayo Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa ka Amba-baxay Magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya,waxayna ka wajahan yihiin dalka Norway.
Raisulwasaare Kheyre waxaa safarkiisa ku wehlinaya Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya,waxayna dalkaas kaga qeyb galayaan shirka caalamiga ah ee Oslo Forum oo sanadle ah.
Wasiirka maaliyadda ayaa C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay inay safar shaqo isu raaceen Ra’iisulwasaare Kheyre ayna u socdaan sidii ay aduunka ugu qancin lahayeen isbedelka Maaliyadda iyo dhaqaalaha wadanka mudadda ay jirtey Xukuumada Soomaaliya.




