Puntland Oo Si Lama Filaan Ah Uga Hadashay Baaqii Beesha Caalamka Ee Dagaalka Tukaraq (Dhageyso)

0

Wasiirka warfaafinta,Boostada,Isgaarsiinta,Hiddaha iyo Dhaqanka Puntland,Cabdi Xirsi Cali(Qarjab) oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa ka hadlay dagaalka u dhaxeya Somaliland iyo Puntland.

Wasiirka ayaa kaga hadlay shirkiisa saddex arrimood oo ku saabsan dagaalka deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, kaa oo u dhaxeeyo maamulada Puntland iyo Somaliland.

Cabdi Xirsi Cali(Qarjab),Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa mar kale ugu baaqay shacabka iyo  gudaha iyo dibada ee kasoo jeeda deegaanada Puntland iney ka qeyb qaataan dagaalka deegaanka Tukaraq.

Wasiirka warfaafinta,Boostada,Isgaarsiinta,Hiddaha iyo Dhaqanka Puntland,Cabdi Xirsi Cali(Qarjab) ayaa sheegay in Puntland aysan wax wada-hadal ah ka geli doonin xuduudaheeda Dastuuriga ah,islamarkaana aysan jirin wax laga wada-hadlo inta Somaliland ku sugantahay taako kamid ah degaannada Puntland.

Halkan Hoose Ka Dhageyso Codka Wasiirka Warfaafinta Puntland

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here